Skip to main content

Oregon State Flag An official website of the State of Oregon »

Onlaaynkaaga DEQ

Mashruucii Casriyeynta oo Socda:

Labada sano ee xiga, waxaanu horumarineynaa korna u qaadaynaa habka aan u aqbalno, u sameyno una wadaagno macluumaadka DEQ. Kani waa hab muhiima xiisana u leh habka aynu u sameyno ganacsiga hada, labadaba gudaneeha iyo dadweynahaba. Habkyaga Maamulida Xogta Deegaanka, kaasoo aynu u bixinay Onlaaynkaaga DEQ, wuxuu keeni doonaa nidaam fudud oo onlaayn ah iskuna xidha DEQ.

Labada sano ee xiga, intabadan oo barnaamijyada shuruucda DEQ ah waxay u guuri doonaan onlaayn. Hadafyadayada Onlaaynkaaga DEQ waa:

  • In ay adeegyadayada daneeyayaasha ganacsiga iyo dadweynuhuba si fudud u heli karaan
  • Inaan badbaadino wakhtiga iyo khayraadka codsadaha ee gudbinta codsiyada
  • Inaan horumarino nidaamka DEQ oo aan yareyno kharaashkad ku baxa ururinta iyo ilaalinta gudbinta xogta
  • Inaan bixino wakhti  degdeg kusoo celin ah soo saarista liisanada/shahaadooyinka/ogolaanshaha
  • Inaan buuxino shuruudaha warbixinta elektarooniga ah ee Fadaraalka
  • Inaan horumarino daahfurnaanta iyo maamulida xogta deegaanka ee dadweynuhu heli karaan

Ugu danbeyntii, Onlaaynkaaga DEQ wuxuu u fududeyn doonaa reer Oregon in ay la shaqeeyaan DEQ.

Hab cusuboo wanaagsan oo lagula shaqeeyo DEQ

Imanaya Waaxda Tayada Deegaanka Oregon: Qalab horumarsan oo loogu talo galay bulshooyinka iyo dadka la shaqeeya DEQ.

checkmarkGudbinta iyo cusbooneysiinta

Gudbi ama cusbooneysii codsiyada, ogolaanshaha, shahaadooyinka, liisamada, cabashooyinak iyo qaar kaloo badan.

payLacag-bixinta Elektarooniga ah

Ku bixi biilasha, fiiga, ganaaxyada iyo lacagaha kale onlaayn adoo isticmaalaya e-check ama credit cards.

dashboardDashboorka

Fiiri xaalada codsiyada la gudbiyey, waajibaadka warbixinaha soo socda, taariikhaha dib u cusbooneysiinta ogolaanshaha/liisanka, baadhitaanada la diyaariyey, ku bixi qaan sheegta onlaayn, ama u qor DEQ.

searchHelitaanka Kaydadka

Si fudud u hel kaydka u diyaarka ah dadweynaha (tusaale, codsiyada wakhti xaadirkaa, ogalaanshaha kama danbeysta ah, ogeysiisyada dadweynaha, iwm) iyo xogta kale ee dadweynaha.

ydo logo 

Maxaa keenay isbadalka?

Dhaqdhaqaaqyada iyo suuqyada aan maamulno, oo ay barbar socdaan dadweynaha, waxay u baahan yihiin in ay helaan macluumaad, wakhti degdega iyo habab lacag bixin fudud. Waxaanu ka shaqeynaynaa inaan daboolno baahiyahaasi.

Talaabooyinka xiga?

Barnaamijyada shuruucdu waxay u guuri doonaan nidaam onlaayn cusub wajiyo leh. DEQ waxay isku xidhi doontaa ganacsiyada la saameeyey iyo bulshooyinka si ay uga caawiso in ay u guuraan isticmaalka Onlaaynkaaga DEQ. Khayraad dheeriya ayaa sidoo kale la bixin doonaa si looga caawiyo dadweynahu in ay ka helaan macluumaad nidaamka.